Madaxweynihii hore Kooxda K/cagta Real Madrid oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

HomeWararka

Madaxweynihii hore Kooxda K/cagta Real Madrid oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

Madaxweynihii hore ee Kooxda kubada cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisa aheyd 76 sano, kaddib markii uu ku dhacay cud

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo Ansixiyeey xeerka kufsiga
CIIDAMADA ASLUUBTA SOOMAALIYEED OO U DABAALDEGAY SANAD GUURADII 52 AAD EE AASAASKOODA
Saaka & Dunida iyo Cabdifatax Cumar Geeddi (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Kooxda kubada cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisa aheyd 76 sano, kaddib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Lorenzo Sanz ayaa Isbitaal loola cararay Talaadadii la soo dhaafay, kaddib markii ay qabatay xumad, waxaana baaritaan lagu sameeyay kaddib lagu ogaaday in laga helay cudurka Coronavirus.

Sanz ayaa ahaa Madaxweynaha Kooxda kubadda cagta Real Madrid sanadihii 1995-2000, waxaana xilliyadaas ay Real Madrid ku guuleysatay labo jeer Koobka Champions League.

Cudurka Coronvirus ayaa adduunka oo dhan si safmar ah ugu faafay, iyadoo uu soo ritay kumanaan ruux, waxaana cudurkan uu sababay in adduunka oo dhan ay hakad geliyaan dhaq dhaqaaqyadii isu socodka duulimaadka, si looga hortago faafida cudurkan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: