Madaxweynihii hore Galmudug oo ka hadlay dagaalka ka socda Kismaayo

Madaxweynihii hore Galmudug oo ka hadlay dagaalka ka socda Kismaayo

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Galbeedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka dhacayay dagaal beeleedyo sababay khasaaro dhimasho & dhaawac ah,waxaana jira baaqyo kala duwan oo soo baxaya.

Dadka baaqyada diraya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariim Xuseen guuleed,waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedkaas.

“Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada beeleed ee soo noqnoqday ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmaraya duleed magaalada Kismaayo ayuu yiri”C/Kariin Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxda Maamulka Jubbaland iyo waxgaradka inay u sitaagaan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedkaas si loo baajiyo dhiiga dadanayo.

Maanta barqadii ayuu markale dagaalka ka qarxey duleedka Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in dagaalkii Maanta ay ku geeriyoodeen in ka badan 17 Ruux.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com