Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo Ka Hadlay Dilkii Wasiir Cabbaas

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo Ka Hadlay Dilkii Wasiir Cabbaas

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas Cabdullaahi Siraaji ee xalay lagu dilay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada.

Farriin uu kasoo diray dalka Turkiga ayuu tacsi ugu diray wasiirka la dilay, wuxuuna ugu duceeyay inuu samir iimaan ka siiyo umadda uu ka tegay isagana Jannadii Firdowsa EEBBE ka waraabiyo.

“AUN Cabbaas, wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada markii ay ka mid noqdeen Baarlamaanka igu sii dhiirageliyey yididdiilada tayeynta dowladnimada” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

“EEBBE ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud, Marxuum Cabaas, wuxuu astaan u ahaa soo kabashada Soomaaliyada cusub..” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Xasan Sheekh oo tacsi u diray eheleda wasiirka dhintay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com