Xalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ku soo idlaaday shirkii madaxda dawladda dhexe ee federaalka iyo kuwa dawladaha xubnaha ka ah, shirkaasi oo si hoose uga socday magaalada Dhuusamareeb muddo dhawr maalmood.

War-murtiyeed daarnaa nuxurkii shirkaasi madaxda dawladda dhexe iyo heer dawlad goboleed oo xalay laga akhriyey xafladda gunaanadka shirka, ayaa muujinayey qodobo door ah oo ku saabsan waxyaabihii laga wada-hadlay.

Midka ugu cuslaa qodobadaasi xalay soo baxay, waxaa uu ahaa in la isla meeleeyey doorasho wakhtigeedii ku dhacda, raallina la iskaga yahay siyaasiyan iyo sharciyanba.

Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ waa madaxweynihii hore ee Puntland, wareysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir ayaa ku sharraxay shirkii madaxda siyaasadda ee xalay ku soo gabagaboobay Dhuusamareeb iyo sida uu u arko natiijada ka soo baxay.

Gaas, waxaa uu bidhaamiyey nuxurka natiijadii shirka, ahmiyadda ay leeyahay is fahamka siyaasaddu, doorashada dalka, sharciga doorashada, maxkamadda dastuuriga ah iyo arrimo kale.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *