Site icon Radio Daljir

Madaxweynihii Hore ee Hiirshabeele Cosoble oo Doorashadi Jowhar Qaadacay

Madaxweynihii Hore ee Xilka ka qaaden Xildhibaanada Barlamaanka Hiirshabeele ayaa Kasoo horjeestay doorashadi shalay lagu doortay Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Maare.

Cosoble oo hadda ku sugan dalka kenya ayaa sheegay in Gabi ahaanba wixii meesha kadhacay ay ahayeen dambe ,isla markaana aysan ahayn doorashadaa mid xalaal ah oo uu ku qanci karo.

Madaxweynihi hore ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa ay soo abaabushay dowladda Federaalka ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,isago sheegay in sharcigi lagu tuntay.

Exit mobile version