Site icon Radio Daljir

Madaxweynihii dalka Suudaan oo dacwad lagu soo oogay

Xukuumadda Suudaan ayaa dacwad waxa ay kusoo oogtay Madaxweynihii dalkaasi ee dhawaan xukunka laga tuuray Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Al-Bashiir ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu sameeyey kicin dadweyne iyo in uu ka qeyb qaatay dilka dad banaanbaxayaal ahaa,kuwaas oo xukunkiisa kasoo horjeeday.

Horraantii bishan, waxaa Al Bashiir lagu amray inuu kasoo hor muuqdo xafiiska dacwad oogaha dalkaas si wax looga weyddiyo eedeymo musuq maasuq iyo maalgelinta ururo argagixiso.

Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa xilli aan weli wax war ah aan laga heyn xaalada uu ku sugan yahay Al-Bashiir wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray.

Exit mobile version