Madaxweynihii Bolivia, Evo Morales oo u baxsaday Mexico

Madaxweynihii Bolivia, Evo Morales oo u baxsaday Mexico

Madaxweynihii Bolivia ee xilka iska casilay Evo Morales ayaa u baxsaday wadanka Mexico , kadib markii uu ka helay magan gelyo.

”’Waan ka xumahay runtii in aan ka tago wadanka, xanuun dhanka qalbiga ah ayaan dareemayaa, balse waa soo laabanayaa ayuu yiri”’ Evo Morales.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mexico , Marcelo Ebrard ayaa xaqiijyey in ay magan gelyo siiyeen Mr. Morales, kadib codsi uga yimid dhankiisa.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Milatariga Bolivia ayaa ugu baaqay Ciidanka Boliiska in ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda, kana soo baxaan goobaha uu ka socdo dibad baxyada.

Boliiska ayaa qeyb ka ahaa dibad baxyadii looga soo horjeeday Evo Morales.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com