Madaxweynihi hore ee somaaliya Xasan sheekh oo ka hadlay khilaafka kenya & DFS

Madaxweynihi hore ee somaaliya Xasan sheekh oo ka hadlay khilaafka kenya & DFS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisadda diblomaasiyadeed ee soo kala dhex gashay Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii Kenya u yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirkii Soomaaliya inuu dalkiisa ku laabto.

Xasan Sheekh oo ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa soo dhoweynayay mowqifka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka jawaabida cabashada Kenya, isagoo adkeeyay in Soomaaliya xaq u leedahay gacan ku heynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xuduudaheeda iyo kheyraadka ku jira.

“Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli sugayaan in sharaxaad dhameystiran oo ay ku qancaan laga siiyo xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka waxaan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xaraashkii London 7-dii Feb ka dhacay ee shidaalka ku duugan baddaha dalkeena”ayuu ku yiri Xasan Sheekh qoraal bartiisa Facebook la soo geliyay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la muujiyo siyaasad ku saleysan deris wanaag, nabad iyo xasillooni ku noolaasho dalalka deriska ah, iyadoo la eegayo xiriirka dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya shacabka Kenya iyo Soomaaliya

“Waxaan ku baaqayaa in xaaladda diblomaasiyadeed ee hadda taagan la dejiyo, lagana warsugo Maxkamadda Caalamiga ee dacwadu hortaallo”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh ayaa lagu xusuustaa dadaalkii ay gelisay dacwada taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, isla markaana Soomaaliya guulo ka gaartay go’aanadii Maxkamadda ka soo baxay horaantii sanadkii 2017.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com