Madaxweynha Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin

Madaxweynha Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 December 2018 waxaa uu Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley Beeldaajiyaha Cal Barri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo wafti balaadhan oo uu hogoaaminayey
.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay gelinkii hore soo gaaray Caasumada Dowladda Puntland ee Garoowe, isla’markaana safarkiisa ayaa daarnaa kaqayb noqoshada doorshada madaxtinimada Dowladda Puntland ee 2019.

Beeldaajaha ayaa ka mahdnaqay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyey iyo sida maamuuska leh ee uu madaxweynuhu ugu soo dhoweeyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, isga iyo waftiga baalaadhan ee uu hogaaminayo.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku bogaadinayey Isimadda sida markasta ay ugu taagan yihiin adkaynta dhaqanka iyo maamuuska u yaala bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com