Madaxweynha Dowladda Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Islaan Xasan Cigaal Ciise

Madaxweynha Dowladda Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Islaan Xasan Cigaal Ciise

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 19 December 2018 waxaa uu Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley Islaanka guud ee Biciidyahan Islaan Xasan Cigaal Ciise iyo wafti balaadhan oo uu hogoaaminayey.

Islaan Xasan Cigaal Ciise iyo wafti balaadhan ee oo uu hogaaminayo oo ka koobnaa qaar kamida isimada dhanqanka oo kasoo kicitimey Gobolka Mudug ayaa shalay soo gaaray Caasumada Dowladda Puntland ee Garoowe, iyadoona safarkoodu uu daarnaa kaqayb noqoshada doorshada madaxtinimada Dowladda Puntland ee 2019.

Dhinca kale Islaan Xasan ayaa ka mahdnaqay qaabilaada wanaagsan ee loo sameeyey iyo sida maamuuska sare leh ee uu madaxweynuhu ugu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, isga iyo waftiga baalaadhan ee uu hogaaminayo.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaara la qabatay Islaanka, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo midnimada shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com