MadaxweyneTrump oo diiday inuu saxiixo qorshe muhiim u ah shacabka Mareykanka

Malaayiin shacabka Mareykanka ah ayaa si ku meel-gaar ah u lumiyay macaashka shaqo la’aanta. kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku guuldareystay inuu saxiixo sharciga gargaarka ee loo yaqaan ‘ gargaarka Covid ‘ si loo dhaqangaliyo.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka digay “cawaaqib xumo” haddii Mr Trump uu sii wado dib u dhigista saxiixa laakiin xilligii loo qabtay oo Sabtidii shalayahayd ayaa hadda la dhaaftay.

Faa’iidooyinka ay heli lahaayeen dadka shaqo la’aanta ah ayuu arrinkan saameyn doona.

Lacag gaaraysa $ 900bn (£ 665bn) ayuu Koongaraska ansixiyay kadib bilooyin wadahadalo adag iyo tanaasul ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka fiidnimadii Sabtida, Mr Trump wuxuu mar kale difaacay mowqifkiisa ku aaddan arrinta.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “MadaxweyneTrump oo diiday inuu saxiixo qorshe muhiim u ah shacabka Mareykanka”

  1. Lamayaqaan

    Warkimanta

U Jawaab Lamayaqaan Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com