MadaxweyneDeni “Dowladdu Waxay Ka Qaadi Doontaa Talaabo Deg Deg Ah Cid Kasta oo Ku Xad Gudubta Karaamada Bini’aadam Ka Iyo Noloshooda”

MadaxweyneDeni “Dowladdu Waxay Ka Qaadi Doontaa Talaabo Deg Deg Ah Cid Kasta oo Ku Xad Gudubta Karaamada Bini’aadam Ka Iyo Noloshooda”

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cambaareeyey falkii arxan darada ahaa ee loo gu geystay magaalada gaalkacyo Caasho Ilyaas Aadan, waxa ay jirtey 13 sano.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenku yiihiin dadka ay ku jirto karaamada bini aadamka, wuxuu tilmamaay in ay yihiin laf dhabarta bini’aadamka iyo horumarka bulsho kasta

“Waxaan rabaa runtii inaan la wadaago ummada Soomaaliyeed iyo hablaha sharaftaleh ee reer Puntland iyadoo horumar lataaban karo dalka ka socdo , hadana waxaa socda dhaqamo aad u xun xun oo runtii naxdin leh oo bini’aadamtinimada iyo diintaba ku xun , waxaad ogtihiin habeenimadii xalay ahaa waxaa lagu kufsaday gabadh yar oo 13 jir ah magaalada Gaalkacayo oo si xun loo fara xumeeyey hadana la diley oo hadana inta lasoo qaaday gurigooda la hordhigay waxaas waxa samaynaaya waa dhalinyaro” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in dowladdu talaabo sharci ah ka qaadi doonto cid kasta oo ku xad gudubta xaquuqda bini’aadamka.

“Dowladdu waxay ka qaadi doontaa talaabo deg deg ah cid kasta oo ku xad gudubta karaamada bini aadam ka iyo nolosha, Gabdhuhu waa walaalaheen, waa xaasaskeenii, waa hooyadeen, waa dadka runtii karaamadeenu ay ku jirto waxay u baahan yihiin in la dhawro” ayuu yiri Madaxweynuhu.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com