Site icon Radio Daljir

Madaxweyne yaasha maamul goboleedyada qaar oo Garoowe lagu soo dhaweeyay

Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa maanta ku soo qul qulayay oo si isdaba joog ah u soo galay wafuud kala duwan oo ka kala imanaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Wafdigii maanta so gaaray magaalada Garoowe waxaa kamid ahaa Madaxweyne yaasha maamul goboleedyada Jublanad, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Amaanka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa aad loo adkeeyay , waxaana goobkasta taagan ciidamada amniga oo isugu jira Daraawiishta, Booliska, iyo ciidamada sida gaarka ah u taba baran ee PSFta.

Sawiro.

Exit mobile version