Madaxweyne xasan sheikh iyo ganacsatada Jubbooyinka oo ka shiray horumarinta gancsiga gobolka

Kismaayo, Novermber 1, 2013 – Ganacsatada Jubbooyinka iyo madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa xalay kulan balaaran ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xaruunta maamulka Jubba, halkaas oo uu madaxweyne xasan sheikh shalay gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ganacsatada kala hadlay horumar laga sameeyo ganacsiga gobolka, ganacsatada iyo madaxweynaha ayaa isla soo qaaday muhiimada ganacsiga dalka ay u leedahay gobolka Jubbada hoose.

Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud waxaa uu maanta booqan doonaa meelo muhiim oo ka mid ah magaalada Kismaayo oo uu kormeeri doono.

Hugaamiyaha Jubba iyo madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo bulshada gobolka ayaa si heer sare ah madaxweyne Xasan sheikh maxamuud ugu soo dhoweeyey magaalada xeebta ah ee Kismaayo oo uu booqday markii ugu horaysay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com