Madaxweyne Xasan sheekh & RW Rooble oo Caawa kulan yeeshay

Madaxweyne Xasan sheekh & RW Rooble oo Caawa kulan yeeshay

Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya ayaa Caawa hoyga uu degan yahay ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinsyeen Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Kulanka oo ahaa mid hambalyo iyo Salaan ah ayaa Ra’iisul Wasaare Maxa.ed Xuseen Rooble waxaa uu Madaxwryne Xasan Sheikh Maxamuud u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay.

Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada kulamo kala duwan, iyada oo laga sugayo in uu soo Magacaabo Ra’iisul Wasaarihii bedeli lahaa Maxamed Xuseen Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com