MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BILLAD QARAN GUDDOONSIIYAY DHIGGIISA DALKA JABUUTI

HomeWararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BILLAD QARAN GUDDOONSIIYAY DHIGGIISA DALKA JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku ma

Wacaal Darey ah: Madaxweyne Deni oo magacaabis iyo xil-kaqaadis sameeyay
Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Puntland oo Garoowe ku shiray (dhegayso/Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Billad Qaran oo uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guddoonsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

“Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti”.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: