Madaxweyne Xasan Sheekh oo ammaanay maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Dowlad Gobolleedka Jubbland oo soo dhameystiray qoondadii 43da xildhibaan ee doorashooyinka Golaha Shacabka ka dhacay magaalada Kismaayo.

“ In si buuxda loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka dhacay Kismaayo, waa guul weyn oo yididiillo gelineyso geedi socodka doorashooyinka dadban ee dalka ka socoda. Waxaan ammaan iyo boggaadin u jeedinayaa shacabka, Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedka Jubbaland iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyina Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo umadda Soomaaliyeed gaarsiiyey guusha ah in si hufnaan ah u qabsoomaan doorashoyinkaas. ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaweynaha ayaa ugu baaqay Guddiyada Dorashooyinka Dadban iyo Dowlad Gobolleedyada kale inay laba-laabaan dedaalkooda ku aadan in waqtigii loo qorsheeyey lagu soo gabagbeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka ee harsan iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com