Madaxweyne Xasan oo madaxda Afrika kala hadlaya ciribtirka kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya

Adis-Ababa, January 29, 2014 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb gelayo shirka madaxda midowga Afrika.

Xasan sheikh maxamuud ayaa shalay tegay Adis ababa wuxuu sheegay in shirka uu ku soo bandhigi doono qorshayaasha dowladda ee ku aadan argagixisada.

Madaxweynaha Sooomaaliya ayaa si cad u sheegay in madaxda Afrika uu kala hadli doono ciribtirka kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladiisa, ururka ayaa weli gacanta ku haya meelo ka mid ah dalka.

Shirka madaxda Afrika waxaa looga hadli doonaa amniga, dowlad wanaaga iyo horumarinta dhaqaalaha, Soomaaliya ayaa filaysa inay hesho balanqaadyo wada shaqayneed oo dhanka amniga ah.

Arrimaha koonfurta Suudaan iyo Congo ayaa iyana qayb lixaad leh ka noqon doona waxyaabaha looga hadli hadli doono shirka ka furmaya Adis-Ababa.

Wasiirada arrimaha dibeda ee Afrika ayaa horay ugu shiray Adis Ababa dalka itoobiya, shirkaas ayaa gogol xaar u ahaa kan maanta furmaya ee madaxda Afrika.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com