Madaxweyne Xasan oo Maanta Cadaado Booqanaya

Talaado, Abriil 14, 2015 (Daljir) — Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Saaka ku wajahan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb,halkaas oo uu ka soconayo qaban qaabada Shirka Maamul u sameeynta Maamulka Gobolada Dhexe..

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Barri uu Magaalada Cadaado uga Dhawaaqo Furitaanka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo mudooyinkaan qaban qaabadiisa ay ka soconeysay Gobolada Dhexe Ee Dalka.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa horay u sheegay in Shirka Maamulka loogu dhisayo Gobolada Dhexe oo Degmada Cadaado ay Gogoshu  taalo Shirka uu ka Furmayo Maalinta Arbahadaa oo Barri ku Aadan.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa imaaneysa Xili uu Gaban gabo marayo Qorshaha Maamulka loogu dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com