Madaxweyne Xasan oo ku Celiyay inuu Waqtigoodu ku Egyahay 2016-ka

Axad, May 10, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay teeefoon xagga-qadka ah (teleconference) kula hadlay kumannaan qof oo Soomaali ah oo kala jooga daafaha caalamka iyadoo madaxweynuhu uu shacabka uga Warbixinayay xaaladda uu dalku marayo.

Teleconference-gan ayaa waxaa qayb ka ahaa ka haqab-tirka Soomaalida dibadaha ku nool ujeeddooyinka uu madaxweynuhu doonayo inay dalka ku hoggaamiyaan sida siyaasadda, ammaanka iyo dib u dhiska.

Arrintan ayaa ahayd fursad ay shacabka Soomaaliyeed u heleen inay su’aalo ku weydiiyaan madaxweynaha Somalia, isla markana helaan jawaab buuxda oo ay ku qancaan. Inkastoo ay ahayd markii ugu horreysay oo taleefoon ay su’aalo ku weydiiyaan madaxweynaha, haddana waxaa dadka ka buuxsamay qadka, taasoo noqotay inay dad badan ay dib ula noqdaan su’aalo ay rabeen inay madaxweynaha weydiiyaan.

Sidoo kale Teleconference-gan ayaa soccday labo saac oo xiriir ah, waxaana furay madax-weynaha Somalia, Xasan Sheekh isagoo xusay in dowladdiisa aysan rabin waqti kororsi, uuna xilka ugu ekaan doono bisha Ogoosto 2016-ka, isagoo xusay inay gaarsiin doonaan dalka meel ka wanaagsan 2012-kii oo ay xilka qabteen.

Xasan Sheekh ayaa la Weydiiyay su\’aalo badan oo u badnaa Hiigsiga 2016-ka, Federaalka iyo dar-dar-gelinta qabyo-qoraalka dastuurka, wuxuuna uga jawaabay su’aalaha oo dhan si hufan, isagoo ballaanqaaday inuu marar kale sidan oo kale u qaban doono Teleconference si ay su’aalo u weydiiyaan dadka Soomaaliyeed. Isagoo dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay ka qaybqaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com