Madaxweyne Xasan iyo dhigiisa koonfurta Suudan salva Kir oo ka wada hadlaya xiriirka caalamiga ah

Jubba, July 09- 2013 – Magaalada Jubba ee xaruunta u ah dalka koonfurta Suudaan,waxaa maanta ka socda dabaal dega xaflada sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii xornimada ee dalkaas, madax kala gedisan oo caalamka ka timid ayaa halkaasi ka hadlay waxaa ku jira Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh iyo wefdi la socday oo shalay halkaasi gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu habeenimadii xalayto ahayd ka qeyb galay xaflad casho sharaf iyo soo dhoweyn ah, ?oo madaxweynaha koonfurta Suudaan Silva Kir u sameeyey madaxda ka qeyb galaysa dabaal dega maanta, kulanka waxaa ka dhex muuqday Madaxweynaha Botoswana, madaxweynihii hore ee koonfur Afrika, iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya INJ. Cabdiraxmaan cumar Yariisow oo la hadlay Radio Daljir isagoo jooga magaalada Jubba wuxuu sheegay in xaflada dabaaldega uu ka qeyb galayo madaxweynaha dalka, waxaase la filayaa in uu caawa dhoco kulan xasaasi ah oo dhexmaraya Madaxweynaha koonfurta Suudaan Silva Kir iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud.

Wuxuu sheegay Afhayeen Yariisow in labbada masuul ay aad uga wada hadli doonaan horumarinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labbada wadan, xili koonfurta Suudaan ay sanad ka hor qaadatay Xornimada, halka Soomaaliya iyana ay ka soo kabsanayso dagaalo wakhti dheer dalka hareeyey.

Docda kale waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud uu habeenimadii xalayto ahayd la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ganacsatada u badan ee ku sugan magaalada Jubba, kulanka oo ay soo qaban qaabisay safaarada Soomaalida ee dalkaasi waxaa Madaxweynuhu dar daaran ugu jeediyey ganacsatada in ay ilaaliyaan shuruucda wadanka ay joogaan, taasi oo sabab u noqon karta in ay wakhti dheer ganacsi iyo nolol waarta ku jiraan inta ay joogaan koonfurta dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa shalayto gaaray magaalada Jubba, waxaase safarkooda wakhtigii la rabay dib u dhigtay diyaarada oo cilad ay ku qabsatay hawada sare kadibna ay ku soo noqotay magaalada Muqdisho, waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan sheikh uu tago dalka Koonfurta Suudaan, Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in madaxweynuhu wado qorshe lagu horumarinayo xiriirka labbada wadan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso Yaariisow oo u waramay Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com