Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Xaaf oo ku gacansayray baaqii Madaxweyne Farmaajo (Warsaxafadeed)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku gacan seyray baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Madaxda Maamul goboleedka Galmudug ay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo 24-ka bishan ka dhici doona Madaxtooyada Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya.

Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay 18-kii bishan September, isla markaana mushikadaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed iyo amni ay ahaayee kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya.

Exit mobile version