Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Xaaf: “Maamul goboleedyadu ciidamo u gaar ah ayey samaysan doonaan” ( dhegayso )

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafa oo kusugan magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay samaysan doonaan ciidamo ugaar ah .

Xaaf ayaa sheegay in dowladda hada jirta aysan ahayn dowladd ay aqonsan yihiin oo u shaqan karta sidii loogu talagalay .

Hadalkan ayuu ka sheegay shirkii  golaha iskaashiga ee maamul goboleedyada  oo maanta ka furmay magaalada Garoowe .

Golahan oo ayaa haatan waxaa ku midaysan  afar maamul  goboleed oo kala ah , Puntland , Galmudug  Jubland , iyo koonfur galbeed , marka laga reebo mamaulka Hir-shbele oo dowladda la heshiiyay .

 

Dhegayso.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5bcc83affd0000d2f8c0a0bc/Xaaf++.mp3?_=1
Exit mobile version