Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo qaabilay Madax uu ku jiro madaxweyne Farmaajo ( Sawiro)

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo qaabilay Madax uu ku jiro  madaxweyne Farmaajo  ( Sawiro)

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Nayroobi ku qaabilay qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galaysa shirka Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay Ee tirada dadweynaha oo ka furmay magaalada Nairobi.

madaxdii uu qaabilay Uhuuru waxaa kamid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shalay lagu soo dhaweeyay Nayroobi.

Shirka ka furmay Nairobi oo socon doona mudo laba Cisho ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA), iyada oo lagu jaangooynayo qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Sawiro.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com