Madaxweyne Trump oo Fadeexad Kala Kulmay Muuqaal Uu Soo Dhigay Twitter (daawo)

Madaxweyne Trump oo Fadeexad Kala Kulmay Muuqaal Uu Soo Dhigay Twitter (daawo)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sii laba jibaarey weerarada afka iyo qoraalada ah ee uu ku hayo qaar kamid ah Warbaahinta Maraykanka sida CNN NY Time iyo Washington Post.

Donald Trump ayaa maanta bartiisa Twitterka ku faafiyey muuqaal isaga oo dagaal ku jira qof uu madixiisa ku beddeley astaanta telefishanka CNN ayuu kula jiraa dagaalka waxaana uu feer dhulka la dhigayaa qofka uu CNN ku tilmaamey.

Muuqaalkan ayuu ka soo qaatey markii uu ahaa Xidiga Telefishanada (Reality TV star) oo uu ka qaybgalay Ciyaarta legdinta iyo haraatida ah daawashadeed in nuu soo dhexgalay oo banaankeeda wax ka ciyaarey.

Carada iyo nacayba uu u qabo warbaahinta CNN darteed ayuu Donald Trump sidaan u yeelay waxaana uu isu muujinayaa in uu ka guuleystey CNN oo uu ugu yeero FNN Fraud News Network.

https://youtu.be/TRw5dbxTMuo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com