Madaxweyne Shariif oo xalay la casheeyey Amiirka Dubai. [Akhris …]

Dubai, Sept 01- Madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo waftigii la socday ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyey aqalka madaxtooyada ee magaalada Dubai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ku qaabilay amiirka dalkaasi Sheekh Khaliifa Binu Sayid Al-nahyaan iyo xubno ka tirsan golahiisa xukuumadda.

Al-nahyaan ayaa si farxad iyo reyn-reyn ku jirto ugu soo dhaweeyey qasriga madaxtooyada ee Dubai Sheekh Shariif iyo waftigiisa waxaana halkaasi ka dhacay is wareysi kooban oo ay siweydaarsadeen labada dhinac.

Xafladdii cashada ka dib ayaa madaxda labada dal waxa ay yeesheen kulan gaar ah oo ku saabsan xaaladda Somaliya iyo kaalinta ay Dubai ka qaadan karto wax ka qabashadeeda sida uu Daljir u sheegey sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn rasmi ahaan waxa ay labada mas?uul isla soo qaadeen hadana warbixin saaka lagu qoray wargeys ka soo baxa magaalada Dubai ayaa sheegeysa in madaxweyne Shariif uu ka codsaday dhigiisa Sheekh Khaliifa inuu taageero xagga dhaqaalaha iyo siyaasadda la garab istaago dawladda dhibaatadu heysato ee Somaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa galabtii Axadda gaaray magaalada Dubai isagoo ka soo kicitimay magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaasi oo uu ku tagay safar muddo kooban qaatay,

Axmed Sh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com