Madaxweyne QoorQoor oo kulamo ka wada Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tagay goobihii laga xoreeyay ururka Al-Shabaab ee ku yaalla gobolka Mudug ka dib markii dhawaan ay howlgal weyn ay qaadeen ciidanka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona gaaray galinkii hore ee shalay magaalada Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay wisil asagoona halkaas warbixin kaga dhageystay.

Madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sida ay dhawaan ka xoreeyeen Shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa shalay galinkii danbe kormeerkiisa kusoo afmeeray Degmada Camaara iyo deeganada hoos yimaada.

Waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada isagoo ugu baaqay in ay taageero u muujiyaan ciidanka, waxaana uu sidoo kale laamaha amnigakula dardaarmay in ay sii waddaan howlgalkooda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com