Madaxweyne Qoorqoor oo Caawa ku hoyanaya Magaalada Guriceel

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa galabta gaaray Guriceel, maalin kaddib markii Ahlusuna ka baxday oo todobaadkan dagaal culus uu ku dhex maray iyaga iyo Ciidanka milateriga ee xoogga dalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa soo dhoweeyay maamulka degmada Guriceel, odayaasha dhaqanka iyo labada gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qoor-qoor ayaa ayaa caawa uu ku hoyanaya magaalada Guriceel iyadoo inta badan xaafadaha magaalada dadkii degenaa aysan ku soo laaban.

Dagaal ka socday muddo saddex cisho ah magaalada Guriceel ayaa waxaa ku dhintey dad u badnaa ciidamadii labada dhinac ee dagaalamayay waxaana ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysa dagaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com