Madaxweyne Obama oo sheegay in aanay ku degdegayn ka bixitaanka dalka Afghanistan

Washington, Mar 13 -Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa balanqaaday in aanay ka bixidoonin dalka Afghansitan ka hor xilliga loo qorsheeyey , kaddib markii askari maraykan ah uu toogasho ku dilay 16 qof oo rayid ah oo reer Afghansitan ah.

Madaxweyne Obama ayaa sheegaya in ciidamada caalamiga ah ay si masssuuliyadi ku jirto kaga baxayaan dalka Afghanistan .

Dilkii ka dhacay gobolka Gandahaar ee dalka Afghanistan ayaa xumeeyey xidhiidhka Maraykanka iyo dalka Afghanistan, waxana soo baxayey warbixinada sheegaya in nacaybka ciidamada shisheeye uu meel sare ka marayo dalka Afghanistan.
Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Leon Panetta ayaa sheegaya in eedaysanaha dilka ka geystay gobolka Gandahaar ee dalka Afghanistan uu waajihikarayo ciqaab dil ah.

Mr Panetta ayaa sheegay in askariga Maraykanka ah ee dilka geystay la saarayo maxkamada Militari oo Maraykan ah.

Ururka Daalibaan ee kacdoonka ka wadda dalka Afghanistan ayaa ku celiyey hanjabaaadiisii ku aadanayd in ay qaadayaan weeraro ay kaga aargudanayaan dilkii askariga maraykanka ahaa u geystay dadka rayidka ah ee reer Afghanistan.

Hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha Maraykanka ee ku aadan in aanay ku degdegayn in ciidamada caalamiga ah laga saaro dalka Afghanistan ayaa imanaya iyadoo dhinacyo reer Afghanistan ah ay dalbadeen in ciidamada caalamaiga ay ka baxaan dalkaasi Afghanistan.

Maraykanka iyo Afghanistan ayaa ka wada xaajoonaya istaraatjiiyada ammaanka ee Afghanistan taasi oo ogolaanaysa in ciidamao Maraykan ah ay baaqi ku sii ahaadaan dalkaasi marka la gaadho xilliga ciidamada caalamiga ah ay ka baxayaan dalka Afghanistan sanadka 2014ka.

Abdirashid Muse
Daljir,Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com