Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku kulmay Sacuudiga

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku kulmay Sacuudiga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku kulmay dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, magaalada Mina oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka.

Kulankan oo ahaa mid is arag ah ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliland ku wehliyay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka Wasiirada ka socday dowladda Federaalka ee ay is arkeen ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud.

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.
Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri C/llaahi Xaamud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com