Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Mustafe oo xadhigga ka jaray xarun iyo qalab lagu baadho COVID-19

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed ayaa xadhiga ka jaray xarun iyo qalab cusub oo lagu baadhayo caabuqa COVID-19 oo laga hirgaliyey magaalada Jigjiga.

Munaasabadda xadhigjarka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin heer deegaanka oo ugu horeeyo Kuxigeenka Madaxweynaha DDS Aadan Faarax.

Madaxwayne Mustafe ayaa sheegay in dadaal badan kabacdi oo ay xukuumaddu gashay in lagu guulaystay keenista qalabkan oo isugu jira noocyada baadhitaanka, sida dhiigga, dheecaanka iyo dhammaan astaamaha u gaarka ah COVID-19.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

Exit mobile version