Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa si weyn u taageeray go’aanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ah in howlgal militari laga fuliyo gobolka Tigray kaas oo ka dhan ah TPLF.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Mustafe Muxumed Cumar oo u waramayay taleefishinka Aljazeera ayaa sheegay in haddii Ururka Xoreynta Tigray ee TPLF “aan la soo afjarin inay khatar galeyso wadajirka iyo midnimada Itoobiya.”

“Ra’iisal wasaaraha Itoobiya labada sano iyo barkii la soo dhaafay wuxuu diyaar u ahaa, dadaal adagna uu u galay, sidi khilaafka jira wadahadal looga dhammeyn lahaa, balse Kooxda TPLF ayaa jebisay dhammaan nidaamyadii siyaasadeed ee ka jiray dalka Itoobiya – dastuurkii bey baalmareen iyaga oo doorasho sharci darro ahna qabsaday”, ayuu yiri Mustaf.

“Ra’iisal wasaaraha arrimahaas oo dhan wuxuu ka muujiyey dulqaad aad u weyn, balse wadahadalka wuu wanaagsan yahay mana beddeli karo tallaabbo lagu soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta,” ayuu hadalka ku sii daray Madaxweynaha Dowlad deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Gobolka Tigray waxaa weli ka socda howlgalka militariga dowladda oo Abiy Axmed uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu soo celinayo xasilloonida. Golaha federaalka ee dalkaas ayaana dhowaan sheegay in xilka laga qaaday madaxda gobolkaas oo dhankooda wacad ku maray in ay is difaaci doonaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *