Madaxweyne Mustafa Omer: Waxaan is-afgarad buuxa ka gaarnay “In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida”

Madaxweyne Mustafa Omer: Waxaan is-afgarad buuxa ka gaarnay “In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida”

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Soomaalida ee Itoobiya, Md. Mustafa Omer, oo saaka uu wadahadal buuxa dhexmaray wafti ka socday jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JXWO/ONLF), ayaa soo saaray qoraal ku saabsan wadahadalka iyo in si buuxda loogu heshiiyey.

Qoraalka oo ku soo baxay barta Facebook ee Md. Mustafa Omer ayaa sidan hoose u qornaa:

Waxaan saaka wadahal la yeeshay wafti ka socday Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenia (JWXO) oo uu hoggaminayay halgame Xussen Nuur.

Waxaan is af garad buuxa ka gaadhnay dhamaan qodobadii aan ka wada xaajoonay. Waxaan qaadi doonaa talaabooyin lagu meel marinayo qodobadii aan ku heshiinay.

Qodobada aan ka heshiinay oo aan ku koobneeyn inta hoos ku qoran waxaa ka mid ah:

1. In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF;

2. In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida;

3. In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;

4. In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;

5. In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb;

6. In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;

7. In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah;

Waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaa in aan isku soo dhawayno shacabka deegaanka soomaalida si si wadajir ah loo soo dhacsado xuquuqaha inaga maqan.

Allah Mahad Leh!

DHAMMAAD

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com