Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash iyo waftigiisii oo lagu soo dhaweeyey Bossaso

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash iyo waftigiisii oo lagu soo dhaweeyey Bossaso

.

Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ‘Karaash’ iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd soo gaaray magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne kuxigeenka iyo waftigiisa ayaa safar dhulka ah ku yimid magaalada Bossaso kadib markii ay ka soo kicitimeen magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo ay xalay u hoydeen, kulamana kula yeesheen maamulka iyo bulashada gobolka.

Koontaroolka dhinaca koofureed ee magaalada Bossaso oo ah albaabka laga soogalo Bossaso marka lagu yimaado jidka xiriiriya badanka gobollada waaweyn ee Puntland ayaa loogu sameeyey soodhaweyn maamul iyo mid bulsho, isagoo salaan gacanqaad iyo is marxabbayn kadibna loo sii galbiyey madaxtooyada.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa todobaadkii ugu dambeeyey ku hawlanaa safarro uu ku tagayey gobollada qaar si uu ugu kuurgalo xaaladaha amni, nolol iyo hormareed ee meelaha uu tagay, isagoo bulshadana is wareysi iyo la tashiyo heer deegaan ah la yeelanayey.

Safarrada Axmed Karaash ee hadda, ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka dhex oogan isaga madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, kaasoo gaaray warqado dheero kulul xambaarsan in ay isku dhaafsadaan si bulshadu aragto, la iskuna diido magacaabiso heer maamul iyo kuwo siyaasadeedba oo ka soo fulay xafiiska madaxweyne kuxigeenka.

Inkastoo khilaaf dhexmara Deni iyo Kharaash uusan cusbayn, horayna dhawr jeer ay isku maandhaafeen intii ay wada shaqaynayeen, haddana kalkaan ayuu ugu xoogganyahay, waana khilaaf dhanka sharciga iyo awoodaha dastuuriga ah ka bilawday.

Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni oo hadda ah musharrax madaxweyne oo Soomaaliya ah, ayaa sharci ahaan doodi ka dhalatay sida ay isku waafaqi karaan musharraxnimadiisa Soomaaliya iyo sii maamulidda Puntland, waana taas midda u kabo galisay khilaafka cusub inkastoo aysan jirin qodobo dastuuri ah oo si cad u qeeya madaxweyne Puntland ahi hadduu musharrax noqdo in uu banneeyo kursiga, ama awoodda wax maamulitaan wareejiyo.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com