Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Xarigga ka Jaray Xarunta Dhallinyarada ee Tilmaame

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarigga ka jaray xarunta dhalinyarada iyo Cilmi baadhista ee Tilmaame, taas oo laga hirgaliyay dhismaheeda magaalada Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, Saraakiil ka socda Hay’adda UNFPA iyo Wakiil ka socda Dowladda Fiiland ayaa mid mid u galay qaybaha kala duwan ee xarunta cusub ay ka kooban tahay, waxaana xaruntan loo dhisay in dhallinyada loogu Qareemo, sida la talinta Caafimaadka, farsamada gacanta, Akhriska, shaqo abuurka, wacyigalinta iyo arrimo kale oo muhiim u ah dhallinyarada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xarigga ka jaray xaruntan cusub ayaa u mahadceliyey cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismahan dhallinyarada Puntland loogu adeegayo, gaar ahaanna Wasasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaraha iyo Ciyaaraha Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda UNFPA.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku booriyey Wasaaradda iyo Hay’addaha ka qayb qaatay dhismeheeda in xarumahan oo kale ay ka hirgaliyaan magaalooyinka kale ee Puntland, si dhallinyarada Puntland meelkasta oo ay dalka ka joogaan u helaan fursaddan oo kale.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhallinyaradu u leeyihiin waddankooda iyo dib u dhiskiisa, waxaana uu kula dar-daarmay inay doorkooda ka qaataan dedaalada horumarineed ee socda, isagoo sheegay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay inay gacansiiso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com