Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Bangiga Adduunka (Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Bangiga Adduunka (Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminayso madaxa mashaariicda tayaynta iyo maamuul wanaagga ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Mss Nicola Smither.

Ujeedada waftigan u yimaadeen Puntland ayaa ah sidii la isaga xog waraysan lahaa mashaariicda muhiimka ah ee uu Bangiga Adduunku ka taageero dowladda iyo sida ay uga faa’iideysatey dowladda Puntland, isla markaana loo sii dardargelin lahaa mashaariicdaasi.

kulankan ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayey, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiwali Cali Tima-cadde iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa soo dhoweeyey Waftigaan, waxaana uu uga mahadceliyey Mashaariicaha wax ku oolka ah ee uu Bangiga adduunku ka taageero Puntland isagoona u xaqiijiyey in ay Puntland si wanaaagsan uga faa’iideysatey.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday Bangiga Adduunka inay sii wadaan taageerada ay la garab taaganyihiin dowladda Puntland oo ay kamid yihiin Mashaariicda RCRF Mashruuca hannaanka bixinta Mushaharaad, PFM Mashruuca horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo CIP Tayaynta Hay’adaha dowladda oo isaga ay si gaar ah u codsatay dowladdu in muddo kordhin loo sameeyo.

Mashaariicdan iyo kuwo kale ayuu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenku, isagoona ku bogaadiyey sida wanaagsan ee Bangiga Adduunku ula tacaamulo dowladda Puntland, isla markaana waxa uu ku booriyey in ay wada shaqayn wanaagsan sii yeelan doonaan dowladduna ay ka faa’iidaysan-doonto mashaariicdaasi

Dhinaca kale Mss Nicola Smither ayaa dowladda Puntland ku bogaadisey sida wanaagsan ee ay uga faa’iideysteen Mashaariicdaasi, iyadoona tilmaamtay in Puntland noqotay meesha keliya ee ay guud ahaan Soomaaliya si wanaagsan uga hirgaleen mashaariicdaasi.

Mss Nicola Smither ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan guud ahaan mashaariicda maadaama ay dowladdu dhankeeda diyaar la tahay sidii ay uga faa’iideysan lahayd, sidoo kale waxay xustay inay codsiyada dowladdana waxka qaban doonaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com