Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason iyo saraakiil kale.

Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland gaar ahaan mashruuca JPLG oo uu Mason ka hambalyeeyey sida habsamida leh ee dowladdu u wado iyo guulaha la gaaray.

Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay siday uga go’an tahay Dowladda Puntland inay maamul daadejinta gaarsiiso degmooyin hor leh oo aanay horay u gaarin mashaariicda barnaamijkan, dhaqaale uruurin iyo isku tashi gudaha ahna samayneyso dawladdu sidoo kale wuxuu xusay inay muhiim tahay hay’adaha JPLG ku shaqo leh inay u qareemaan sidii taageero loosiin lahaa dawladda si ay hiigsigeeda u gaarto.

Dhankiisa Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason waxa uu bogaadiyay sida habsamida leh ee Puntland uu uga hirgalisay mashruucaan JPLG, wuxuuna sheegay in hadda loo hayo dhaqaale JPLG, lana sii wadi doono u qareemida shaqadan wanaagsan ee bulshada loo wado.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga wada hadlay in UN-ku ay taageero ka gaystaan arrimaha doorashooyinka ee dawladdu ka fulin doonto Puntland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya.”

  1. NuurkaNederland

    HAY’ADAHA U.N-ka WAA KUWAAS KUWA KU BARYO TAGA MAGACA UMADDA SOMALIYED HADHOOWNA WAXAY DUNIDU SOO SIISAY KU DUL CUNA SHACABKA KORKOODA.
    WAA XARFAAN KHIBRAD ULEH QAABKA LOOGA MACAASHO MASAAKIINTA & DEEQ BIXIYAYAASHA.
    WAXA DUNIDU USOO DHIIBTO HAY’ADAHAAS 9% KAMA GAARAAN SHACABKA..WAXAYNA KU LUNTAA JEEBKA HAY’ADAHAAS.SHAME ON YOU.
    WAXAASE AYAAN DARO KALE AH WAABA OGYAHAY KII USOO DHIIBAY!!!!!.

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com