Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay Xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda PSU.(Daawo)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay Xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda PSU.(Daawo)

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalinjebinayeen 202 arday oo bartay kuliyado kala duwan, isla markaana ka qalinjabiyay Jaamacadda PSU faraceeda Garoowe.

Munaasabadda qalinajebinta waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, masuuliyiin ka socdey Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maamulka Jaamacadda PSU, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamulka Jaamacadda iyo ardayda qalinjabinaysa oo ah dufcaddii 12-aad ee Jaamacadda ka baxda, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galkeeda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ku dhiirigeliyey inay waddankooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, shacabka reer Puntland ayuu ugu baaqay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare, waxaana uu caddeeyay in dawladda Puntland ay ka go’an tahay sidii guud ahaan waxbarashada loo horumarin lahaa.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino guddoonsiiyey qaar kamida ardaydii qalin-jebisey iyo shakhsiyaad kale oo maamulka Jaamacaddu u gartay inay mudanyihiin, waxaana munaasabaddu ay ku soo idlaatay jawi farxadeed oo laga dheehanayay dadweynihii boqolaalka ahaa ee goobta joogay, kuwaas oo u hambalyaynayay ardayda qalinjabisay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com