Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday jiida hore ee Tukaraq (Sawiro)

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday jiida hore ee Tukaraq (Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray, Fariisimaha Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Kormeerka waxaa Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ku wehelinayey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Xubno ka mid ah Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa warbixin ka dhageystay, Saraakiisha Ciidamada Difaaca ee Dowladda Puntland ee Aaga Tukaraq, Kadibna waxaa uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu Asteeyay Xarun lagu tababarayo Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com