Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Wadanka Turkiga (Sawirro)

HomeWararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Wadanka Turkiga (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, G

Barlamaanka Puntland oo ogolaaday Dhamaystirka Heshiiskii Puntland & P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso
Barlamaanka Galmudug oo Kulan Xasaasi ah yeeshay Maanta (dhegayso)
Maamulka Degmada Caluula oo Ka Hadlay Mashaariic Laga Hirgeliyey Degmadaasi (DHEGAYSO)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Shirka Maalgashiga Turkiga ee Afrika.

Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland waxaa Ankara kusoo dhoweeyey, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid, Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Puntland Cadixamiid Shiikh Cabdisalaan, Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland Cali Nuur, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Axmed Kunle, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Puntland Maxamed Siciid Hoggaamo laroor iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada dowladda Puntland iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Turkiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Safiirka, masuuliyiinta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi uga mahadceliyey soo dhowaynta ballaaran ee ay u sameeyeen isaga iyo weftigiisa, Madaxweyne Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadandoonaa masuuliyiinta dalkaasi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: