Site icon Radio Daljir

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka hadlay kulankii Madaxweynaha Jubbaland & AMISOM

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta tagay Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenku ayaa sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka, isla markaana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono.

Waxaa uu uu intaas ku daray Madaxweyne kuxigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada, kuwaas oo la xiriira Arrimaha Doorashooyinka Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenku ayaa sheegay in AMISOM ay sheegtay in aysan wax faragalin ah ku yeelanaynin arrimaha doorashooyinka Jubbaland, loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago, iyadoo marna aanay shaki gelin doonin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Exit mobile version