Madaxweyne ku xigeenka Hiirshabeele oo la kulmay Masuuliyin DFS Katirsan

Madaxweyne ku xigeenka Hiirshabeele oo la kulmay Masuuliyin DFS Katirsan

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Jowhar kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo shalay halkaasi Gaaray.

Madaxda Hirshabeelle iyo wafdigan oo uu hoggaaminayay Maareeyaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii maamulka Hirshabeelle looga gacan siin lahaa mashaariic horumarineed sida dib u dhiska garoomada Diyaaradda.

Cabdullaahi Maxamed Rooble Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in ay joogaan meel bilaaw ah oo u baahan in wax loo qabto.

“Hadad waxaan joogaan meel bilow ah,maamulada kale marka loo fiiriyo marka waxaan rajaynaynaa in aad gaari doono horumar,wafdigiina waxaan idinkaga baahanahay sidii aad gacan nooga siin lahaydeen howlaha lagu horumarinayo Hirshabeelle”. Ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Hirshabeelle.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa intaasi ku daray in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay gaaraan dhawaan horumaro lamid ah kuwa kajira deegaanada kale oo maamul goboleedyada Dalka,wuxuuna soo hadal qaaday sida laga ma maarmaanka ay u tahay dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha Hirshabeelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com