Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo Xabsi Guri Kujira

Waxaa Cirka isku shareeray Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug ee la xiriira Go’aankii uu dhawaan qaatay Madaxweynaha Galmudug Xaaf ee uu ku tageeray sucuudiga

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta sheegay in Xabsi guri ay ku jiraan Isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka maamulkaasi.

Gudoomiyaha oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu u sheegay markii horeba inuu deganaa Madaxtooyadda Galmudug, haddana la diiday inuu ka baxo, amarkaasina uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” oo ay isku Khilaafeen go’aankii dhawaan Xaaf uu ka qaatay Xiisadda Khaliijka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug wuxuu sheegay isaga, Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug in laga wada dhigay xabsi guriga oo loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah taasina ay halis ku tahay jiritaanka Maamulka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com