Site icon Radio Daljir

Madaxweyne ku xigeenka DDS oo oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka

Madaxweyne ku xigeenkii dowlad degaanka Soomaalida Aadan Faarax Ibraahim ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Aqalka sare ee barlamaanka Itoobiya.

Aadan Faarax oo Gobolka Soomaalida caan ka ah ayaa waxa uu bedalayaa Keria Ibrahim oo hore u ahayd afhayeenka Aqalka Sarre ee Itoobiya oo Isniinta Is casishay,
Keria Ibrahim oo ka soo jeeda qowmiyada ayaa uga soo horjeeda qaabka uu wax u maamulayo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Waxayna sheegtay inay isu casishay kadib markii ay aragtay sida aan wanaagsanayn oo uu u maamulayo dalka Itoobiya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Sidoo kale waxaa loo doortay guddoomiya ku xigeenka aqalka sare ee Itoobiya Etsegenet Mengitu kadib markii uu baneeyay xilkaasi Maxamed Rashidi oo ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida.

Golaha Senate-ka ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay xukuumadda Abiy Axmed cudurka Covid-19 dartiisa. Sidoo kale, dhamaan ismaamul goboleedyadda ayaa waqti loogu daray.

Aadam Faarax Ibraahim ayaa Noqonayaa Soomaaligii ugu hore ee jago intaas la fac ka qabto Barlamaanka Ethiopia,Balse Horay Soomaalida ayaa u heystay Kursiga Ku xigeenka Gudoomiyaha.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Exit mobile version