Madaxweyne Joe Biden ayaa booqday iskuul dhawaan lagu laayey 19 Caruur ah

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nugeyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaaday toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda.

Dhacdadaas oo toddobaadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 caruur iskuuley ah iyo labo macallin.

Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa, magacyadoodana akhrinayey.

Xilli ay reer Biden tacsidaas gudbinayeen ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku ay shaaca ka rogtay in, ka dib codsi uga yimid duqa magaalada Uvalde, Don McLaughlin, ay dib u eegis ku sameyn doonto sidii booliisku uu uga jawaabay dhacdadii Talaadadii iskuulka ka dhacday. Wasaaradda ayaa sheegtay in la eegi doono darsiga laga bartay iyo sida ugu wanaagsan ee dadka gurmadka ah loogu diyaarin karo sidii ay uga jawaabi lahaayeen markii qof hub wataa uu weerar soo qaado.

Weerarkii Texas, saraakiisha booliiska ayaa aad la isku weydiiyey waxa ku keenay in hal saac wax ka badan ay ku qaadato in ninkii hubeysnaa ay ka hortagaan.

Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa dhowr saacadood ku qaatay magaaladan yar ee dhinaca koonfurbari ku taalla, iyaga oo la hadlayey kuwa uu weerarku sida ugu daran u saameeyey, weerarkaas oo uu geystay wiil 18 jir ah.

Biden ayaa sidoo kale ka qeyb galay duco ka dhacday kaniisad mad-habta Katoliga ah, isaga oo sidoo kale la kulmay dadkii gurmadka ka qeyb qaatay.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com