Madaxweyne indhasarcaadku talo ma ahee bal mar kale talo isugu noqo!

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Madaxweyne indhasarcaadku talo ma ahee bal mar kale talo isugu noqo!

Shaki kuma jiro in Madaxweyne Farmaajo yahay Soomaali waddani ah oo dadkiisa iyo dalkiisa la jecel hormar iyo xisillooni. Shaki kuma jiro in Madaxweyn

President Deni’s Vision for Puntland’s Future: Balancing Progress and Challenges
Heshiis DFS & DXF 2018: Heshiiska maamulka & wadaagga dakhliga kheyraadka dabiiciga ee dalka
Madaxweyne Gaas: “Aqalka Sare anagaa ku doodney … ma aragtay meel ay jiraan, Faroole, CC Rashid!” (daawo)

Shaki kuma jiro in Madaxweyne Farmaajo yahay Soomaali waddani ah oo dadkiisa iyo dalkiisa la jecel hormar iyo xisillooni. Shaki kuma jiro in Madaxweyne Farmaajo loo doortay in uu dalka hormar iyo xasillooni ku hago. Shaki kuma jiro in kursiga loo doortay maxaa yeelay waxaa la diiday oo laga daalay beentii, boobkii hantida ummadda iyo iskudirkii bulsho ee xukumaddii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh. Shaki kuma jiro in Madaxweyne Farmaajo uusan qabali ahayn, meeshii tii ka horraysay aysan kala aqoon qaran iyo qabiil.

Laakiin shaki waa jiraa. Shaki aan dawo lahayn baa jira baad mooddaa. Shalay shakigaas waa jiray, maantana waa sii xoogaystay.

Farmaajo Taloxumaa

Shalay haddii laga shakiyey ummaduna isweydiisay “war Madaxweyne Farmaajo yuu la tashadaa, yaa se u tala badiya?” maanta taas laga samir, waxaa se la isku sheegaa “war raggu taloxumaa oo xeeladxumaa!”

Madaxweyne Farmaajo taloxumaa oo haddii dad iyo dal jaceylku dhab ka yahay maxaa ku kallifay in uu talodiid noqdo talada hal ama labo mooyee?

Madaxweyne, soo si dhab ah uguma aad dhaaran in aad difaacayso dastuurka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya? Haddii haah, Madaxweyne soo ma ogid in dadka iyo dalku talowadaag yihiin? Madaxweyne soo ma ogid in dalku kala qoqobanyahay? Soo ma ogid in dadka dalkaan aysan weli heshiin? Soo ma ogid in weli dhiiggu qoyanyahay?

Madaxweyne aaway dib-u-heshiisiintii aad ballanqaaday markii aad Gaalkacyo timid? Madaxweyne aaway dib-u-heshiisiintii aad ku dhaaratay markii Caabudwaaq iyo Cadaado aad maraysay? Madaxweyne miyaad illoowday in makrafoonka iyo warlaliska Radio Daljir aad ku ballanqaaday dib-u-heshiisiin dhab ah oo baahsan oo bulsho?

Madaxweyne illaa intee lagu sugi karaa, mise waxa oo dhan waa indhasarcaadis siyaasadeed?

Tan maamulada dalka, Madaxweyne, haddii dad iyo dal jaceylku dhab kaa yahay maxaa kugu diray maamulada dalka?

Maanta dhammaan inta maamul Soomaaliya ka jira, xumaan iyo samaan, dhammaantood shacbigaa soo dhistay. Shacabku waxay barteen in waxa ay dhisteen ay wax la’aan dhaanto. Madaxweyne, maxaa wax la’aan kugu khasbaya iyo in aadan taariikhda wax ka baran oo wixii shalay Xasan Shiikh ku khasaaray aad maanta mar kale boorka noog jafto?

Madaxweyne haddii dagaalka al-Shabaab uu dhab kaa yahay, ma hubtaa in uu dhab ka yahay kuwa kula taliya? Madaxweyne, maamulada aad la dagaalaysaa waa kuwa al-Shabaab dhanka kale kala dagaalamaya. Waa kuwo hortaagaan in taallo danbe oo xasuus xun aadan dhisin. Laakiin haddii aad ayaga la dagaasho, soo al-Shabaaba garab ma aad siin, oo maamul xuma kasta oo jirta (oo Rabbaa oge kuwa maanta maamulka hayaa waa liitaan) soo maamul la’aan kama aad talin?

Madaxweyne, miyaadan maqal taladii Boqor Wiilwaal iyo “rag wax kasta ku dayey, walaaloow wuxuu ku dhaamana la waa?”

Madaxweyne, dadku miyeysan walaalo aheyn, dadku soo dadkaagii ma wada aha, maxaad u kala qoqobeysaa oo midna xas ula galaysaa, qaarna xas uga tuuraysaa?

Madaxweyne, mid maanka ku hay: Dalku waa Fadaraal, Fadaraal iyo talowadaag in la noqdana dhiig iyo dheceen baa loo daadshay, oo Madaxweyne ogoow Soomaaliya waa ka baxday, kuna noqon mayso “tayda mahee tu kale maya!”

Madaxweyne waa baahanahay bakhti looma cuno

Dhanka juquraafiga siyaasadeysan iyo siyaasadda madaxa iyo majaha la’ ee Khaliijka Carabta, Madaxweyne, awal Soomaalidu waa kala tiqiin saaxibka Soomaaliya iyo kan danaha silloon, Soomaali badankeeduna waa taageertay siyaasaddaada dhexdhexaadnimo, laakiin maanta xukuumaddaada taloxumaa ka muuqata. Aqoonxumaa muuqata. Aqoon la’aan Carbeed baa muuqata.

Madaxweyne, kan maanta Yemen dhulka la simay, abuuray gaajo, hoog iyo halaag tan maanta adduunka ugu daran miyaad miciin bidday? Ma kan Yuhuud la saftay oo ka saftay carruurtii Falastiin baad maanta miciin bidday?

Madaxweyne, ma siyaasad Carab oo lala jiro ama laga jiro baad maanta meel ku ogtahay?

Madaxweyne ma Sucuudi baad ka dooratay Turki? Madaxweyne ma inta RW Kheyre dirtay baad tiri “Maxamed bin Salmaan la safo, oo xuquuqda aadanaha ka safo, oo Erdogan iyo Turki ka safo?” Madaxweyne ma saan baan ku nahay xubin cusub ee Golaha Xuquuqda Insaanka Qaramada Midoobay (UNHRC)?

Madaxweyne ma Jamaal Khashoggi oo hooyada maanta arigu ka oommanyahay ay ogtahay in dhaxalsuge Maxamed bin Salmaan uu amray in la jarjaro, oo waliba qunsuliyad ku taal dal shisheeye dhexdeeda lagu jarjaro, baad maanta Soomaali u sheegaysaa in Sucuudi iyo Maxamed bin Salmaan aysan amrin dilka Jamaal Khashoggi? Madaxweyne, ma saan baad gar ku gashaa oo gar ku goysaa?

Madaxweyne, indhasarcaadku waa kala labo: mid suurtagal ah iyo mid aan suurtagal ahayn. Madaxweyne indhasarcaadka doorashadaadii, durbaanka Facebook iyo Farmaajo ii geeya waa suurtagal, waana xeelad siyaasadeed; laakiin waxa ay leeyihiin waqti jaan go’an oo aysan dhaafi karin. Waa ay dhacaan. Waa xeelad siyaasadeed oo haddii aysan kal hore kaa dhicin maanta sii dhammaanaysa. Waa mid aan waxba ka duwaneyn dib-u-heshiisiin aad berri ku baaqdo. Ogoow cidina kaa maqli mayso, oo cidina kuu fulin mayso. Waa indhasarcaadkii suurtagalka ahaa oo jaan go’ay, waqtigiisiina dhacay.

Madaxweyne, indhasarcaadka aad ka damacday Jamaal Khashoggi suurtagal ma aha, waana mid saacidaya soo afjarka indhasarcaadkaagii hore iyo xaqiijinta beeni raad ma leh.

Madaxweyne, dadka Soomaaliyeed waxa ay u hamuunqabaan hoggaan suubban, laakiin indhasarcaadka iyo durbaanka Facebook hoggaan ma aha. Kii aan durbaanka ii tumin waa inoo dagaal hoggaan madaxweyne ma aha. Khudbadaha RW Kheyre si kasta oo ay u qurux badanyihiin haddii aysan dhab kaa ahayn hoggaan kaligood ma aha.

Madaxweyne, hoggaankii laguu doortay Riyaadh ma yaal. Abu Dhabi iyo Casmara laguma ogayn. Dalal daris ah ku heshiisii laguma ballamin. Laakiin heshiisiin ma xumee, Madaxweyne heshiisiinta dalalka dariska ah ka hormari in aad marka hore adigu dadkaaga la heshiisid, ayaga heshiisiisid, taladooda maqashid oo baahidooda aragtid. Shalay markii aad dacalada dalka booqanaysay haddii “lagu mood” aad noqotay, maanta bal isku day in aad wax la fahmi karo la soo shirtagto.

Madaxweyne, rag talo kama dhammaatee bal mar kale talo isugu noqo, oo mar kale adiga, RW Kheyre iyo inta kale ee aad la tashato talo iskula noqda.

Diiwaanka Daljir

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: