Madaxweyne hore Xasan sheekh oo ka hadlay Maalinta Calanka

HomeWararka

Madaxweyne hore Xasan sheekh oo ka hadlay Maalinta Calanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hambalyo ku aadan 66 guurada ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la taagan c

Warkii oo Kooban iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
Goorma Ayuu Soo Noqon Doonaa Internetkii Koonfurta Soomaaliya
Laamaha Amniga Galmudug oo Gacanta ku dhigay Gawaari Agab kala duwan u siday Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hambalyo ku aadan 66 guurada ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la taagan calanka Soomaaliya u direy shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa hadal uu ugu talagalay maalinta calanka shacabka u jeediyay waxana uu sheegay in mudddii uu dalka xukumayay ku guulaystay in calanka buuluugga ah dib looga taago dagaanno badan oo ay horay u haysteen kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab iyadoo la xureeyay in ka badan 25 degmo oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Degmooyinka iyo deegaannada Alshabaab laga xoreeyay xilliyadaas waxaa kamdi ahaa: Baydhabo, Beledweyne, Xudur, Waajid, Marka, Buulaburte, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Baardheere, Garbahaarey, Beledxaawo, Kismaayo, Baraawe, Luuq, Tiyeeglow, Bardaale, iyo tuulooyin ay mid yihiin Sabiib, caanoole, Tooratoorow, Owdhiigle, Dhanaane iyo deegaanno kale.

“Calanku waxa uu ii leeyahay taariikh gaar ah,Waxaa xilka madatinimada la ii dhaariyay September 2012 iyada oo aan calankeena laga taagi karin in ka badan 85% dhulka Koofurta iyo bartamaha dalka. Calan madoow ayaa ka taagnaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxwayne Xasan ayaa sheegay in xukuumaddii uu hoggaaminaayay ay suurgalisay in calanka dib looga taago deegaanno badan “Ilaaheey fadligiis, Dadaalka halyeeyadeena iyo haggaaminteena waxaan ku guuleysannay in Calankeena cirka u eg dib looga taago gobolla badan oo ka dul babado” ayuu raaciyay.

Madaxwayne Xasan ayaa sheegay in Ilaalinta calanka ay halyeeyo badan oo uu ka mid ahaa halgamaa Alle ha u naxariistee Maxamed Cabdulle Xalane Soomaaliyeed u hureen dhiigood,ayna mudan tahay in maanta kale la xuso taariikhdooda sii jiilka cusub loo xusuusiyo muhimadda calanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: