Madaxweyne Geelle oo amaanay nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika ka socda

Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika.

Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed.

Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira.

Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane, Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu wado Dr; Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com