Madaxweyne Gaas: “Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo waxa ay leedahay muhiimad gaar ah, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed” (dhegayso)

Madaxweyne Gaas: “Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo waxa ay leedahay muhiimad gaar ah, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed” (dhegayso)

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xalay ka qaybgalay daahfurka wajiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, kana dhacay hoolka Jaamacad Bariga Afrika ee magaalada Garoowe, ayaa madasha ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo taabaneysa istaraatajiyada jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo.

“Waxaan mahad balaadhan u jeedinayaa intii soo qabanqaabisay munaasabadaan oo ay ugu horayso jaamacadda Bariga Africa iyo guddiga waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, dhab ahaantii aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xafladdaan si gaar ah ayey ii taabanaysaa ka soo qayb galkeedu, mahad dhammaanteed Alle ayey u sugaantay marka laga yimaado haddii cid ammaan leedahay waxaa iska leh guddiga wadada oo uu shiikh Maxamuud gudoomiye u yahay,” ayuu ku bilaabay Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa ku darey, “anigu haddaan shaqo qabtay waajib i saaran ayaan gutay sidaas ayey dadka reer Puntland ii doorteen kumana ammaani shaqadaas qaran ee aan gutay, dadka reer Puntland waxaa waajib iyo xujo ku ah dhismaha wadadaas oo fure u noqon karta hourmar iyo shaqooyin badan oo Puntland ka hirgala, haddii ay fashilanto wadada Ceeldahir iyo Ceerigaabo waddooyin kale oo inoo dhismaya ma jiraan marka aan tijaabino awoodeena oo wadada ha laga qaybqaato, qurbajoogta waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaan idinka rajaynanaa in lacagaha aad dalxiiska ku aadaan aad ku bixisaan dhismaha wadadaas muhiimka u ah hooyooyinka foosha ah, guusha wadadaas laga gaadhaa waxay fure u tahay guulo badan oo soo socda haddaan ku guulaysano Ceel-Daahir-Cirgaabo mashruuca ku-xigaa wuxuu noqonayaa Kalabaydh ilaa Baargaal.”

Madaxweye Gaas oo farta ku fiiqaya muhiimadda waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa yiri, “reer Puntland waxaan leeyahay waddadani waxa ay muhiim u tahay jiritaanka Puntland iyo midnimada Puntland … si qalbiga iyo niyadda reer Sanaag loo helena, reer Puntand waxa aad ku imtixaamantihiin sida aad waddadaas uga qaybqaadataan.”

Hoos ka dhegayso khudabadda Madaxweyne Gaas oo dhammaystiran.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Ballanteenu waa Ceerigaabo!

  • Madaxweynuhu Wuu mahadsan yahay, hase yeeshee Niyada iyo Qalbiga reer Sanaag sidoo kale waxaa lagu heli karaa Cadaalada iyo Saami Qeybsi sax, Maamul baahin, adeega caafimaadka oo la gaarsiiyo Gobolka, Saldhigyada Policeka iyo kuwa Daraawiishta oo dib loo hawl geliyo, mana aha inaan diidanahey Muhiimada Wadadu ay leedahay laakinse inta kalena waa Waajib Saaran in madaxda hada iyo kuwa danbeba Qabtaan

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com