Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Gaas waa musharax madaxweyne markale 2019 (dhegayso | sawirro)

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay  musharax Madaxweyne   2019 , maanta oo talaado ah .

Munaasibadii uu maanta kaga dhawaaqay musharax nimadiisa  madaxweyne Gaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada ,Isimada Dhaqanka ee Puntland , Siyaasiyiin Aqoonyahano  , Dhalinyaro Culimaa,udiin xubno katirsan labada gole ee dowladda Puntland .

waxa uu sheegay in uu diirada saari doono shanta sano ee soo socota arimo ay kamid yihiin :

1- Dhamaystirka  dhamaan howlihii uu balan qaaday  .

2-Dib uhabaynta ciidamada Puntland .

3-Dib u so celinta gobolada ka maqan gacanta Puntland siiba gobolka Sool .

4- Dib uhabaynta dowladd nimada.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shantii sano ee uu  soo hogaaminayay Puntland  uu ka qaatay qibrad ku filan wax yaabaha Puntland ka qaldana  uu sixidoon  hadii uu guulaysto .

Dhegayso.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5c18d5e104010042082cd6f6/MADAXWEYNAHA.mp3?_=1

Sawiro.

Back to Home page